MICHAEL OWEN OO SAADAALIN KA BIXIYEY CIYAARTA DHAXMARI DOONTA ARSENAL VS LIVERPOOL

Michael Owen oo ah halyeey waqti badan usoo ciyaarey kooxda Liverpool ayaa aaminsan in Arsenal eyku adkaan doonto in ey Liverpool Fly Emirates kaga soo badiyaan caawa oo ah habeen jimco taariikhduna ey ku beegan tahay 22 December 2017. Wuxuu kaloo intaa raaciyey in difaacyada Arsenal eysan awood u laheen iney shabaqa goosha xagistaan iyadoo weerar aan inaba caadi aheen eykala kulmi doonaan 4 ta ciyaartooy Liverpool weerarka kaga ciyaarto oo kala ah Sadio Mane, Philip Countinho, Mo Salah iyo Roberto Firmino. Liverpool sanad ciyaareedkaan biloowgiisa waxey Arsenal kaga soo badiyeed carigooda Anfield iyagoo 4-0 ugu soo awood sheegtey.


Comments