Guillem Balague ayaa sadaal ka bixiyey ciyaarta El Clasico

Qabiir kamid ah qabiirada Sky Sports ee falaaqeeya kubada Spain 'Guillem Balague' ayaa aaminsan in Barcelona ey u badan tahay iney ka adkaadaan Real Madrid. Guillem Balague ayaa sharaxaad ka bixiyey sawabaha uu u aamin sanyahay in Barcelona ey usoo awood sheegan doonto Real Madrid waayo Barca weerar kooda ayaa ah mid aan la xakameen karin. Wuxuu kaloo intaa ku darey in Barcelona ey ka difaacasho fiican tahay kooxaha kale ee ka dhisan Spain. Xili ciyaareedkaan Barcelona waxey awood u yeelatey iney shabaqeeda ka alaashato kooxaha ey laciyaartey iyagoo laga dhaliyey in kayar goolosha laga dhaliyey kooxaha kale ee kadhisan 5 ta league ee u guween ee yurub. Sidoo kale Lionel Messi ayaa dhaliyey 17 gool, isagoo ah ninka hogaanka u haya gool dhalinta laligaha. Barcelona ayaa hogaanga horyaalka spain ku heesha 11 dhibcood.

Comments