CIYAARYAHAN HEER CAALAMI AHAA AYAA IS DILEY KA DIB MARKEY SOO BAXDEY IN SAAXKIISA GOGOL DHAAF LA SAMEESEY CIYAARYAHAN KALE.

Ciyaar yahan lagu magacaawi jirey Dale Robert oo ka tirsanaa kooxda Rashd Diamond iyo xulka qaranka England under 21 ayaa is diley ka dib markuu maqley in xaaskiisa gogol dhaaf ey lasameesey ciyaar yahan kale oo ey kooxda iskala tirsanaayeen. Kadib markii ey qiratey xaaskiisa in ey gogol dhaaf la sameesey mid ka mid ciyaartooyda kooxdiisa oo lagu magacaawo Paul Terry oo ah walaalka xidiga aadka loo yaqaano ee usoo ciyaarey kooxda Chelsea ee John Terry, ayaa ciyaaryahaan kaan da’da yaraa ee Dale Robert lasoo daristey fikir, walaac, iyo ceeb. Fikir iyo walaac badan kadib ciyaaryahankaan wuxuu bilaawey in uu diido in uu qolka labiska ee kooxda lawadaago ciyaaryahankii xaaskiisa gogol dhaaf ka lasameeyey ee Paul Terry. Tani waxey sawabtey in Dale Robert lasoo daristo xanuun xaga dhimir ka ah oo markii dnbe uu ciyaaryahanka da’da yaraa uu is daldalo oo uu xarig iska soo laadlaasho.





Dhacdadaan oo kale ayaa hada ka hor dhacdey markaas oo xidigii hore ee Chelsea iyo qaranka England ee John Terry uu gogol dhaaf la sameeyey saaxiibta Xidiga ey kooxda Chelsea iyo qaranka England ey iskala soo ciyaaren ee Wayn Brigde. Tani waxey ceeb ween ku noqotey John Terry oo lagu yaqaano inuu yahay ciyaaryahan heer calami ah oo xishmad badan. Dagaalka John Terry iyo Wayn Bridge gaartey in eysan is gacan qaadin kulamada ey wada ciyaari jireen, waayo Wayn Brigde wuu ka dhaga adeegey inuu gacan qaado John Terry.



Comments