CIYAARTOOY MAAL QABEEN AHAA OO HADA DARBI JIIF AH. HALKAAN KA AQRISO QISADAAN XANUUNKA BADAN.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal Emmanuel Eboue ayaa maanta warbaahinta lawadaagey sida ey noloshiisa usameesey kalagi taankii ey kala tageen xaaskiisa hore Aurelie oo 2 gabdhood u dhashey. Eboue oo usoo ciyaarey kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal in ka badan 7 sano oo malaayiin dollar qaadan jirey ayaa maanta warbaahinta u cadeeyey in uu ku nool yahay nolol aad u adag kadib markii ey kala tageen xaaskiisii hore oo laagtii uu lahaa dhamaanteed ey maxkamad ka dhisan UK u xukumtey Aurelie oo ah xaaskii hore ee Eboue. Ka dib xukunka maxkamada oo ku siisey dhamaan hantidii uu lahaa Eboue xaaskiisii hore ayaa tani waxey saameen ween ku yeelatey noloshiisa isagoo hada Qatar ugu jira inuu isaga is dilo. Difaacii hore ee Arsenal Eboue ayaa intaa ku direy in uu hada la nool yahay guri uu lee yahay mid ka mid ah asxaabtiisa isagoo jiifta dhulka oo gacmihiisa ku dhaqda dharkiisa. Eboue wuxuu kaloo warbaahinta u sheegey in ey askarta UK raadsanaayaan uu ka dhuumayo hada. Emmanuel Eboue ayaa ciyaartooyda yare ee Afrikaan ka ah uga digey iney maraan wadadii uu marey oo ah in uu lacagtiisa dhan uu ku aaminey xaaskiisa hore ayadoona lacagtii dhamaan hada gacanteeda ey ku jirto isagana uu hada dhulka uu ka jiifo oo uusan shalin quran gacanta
ugu jirin. 

Comments