DALKA ENGLAND OO MAANTA MARKII UGU HOREESEY LOO ISTICMAALI DOONA QALABKA SAACIDA GARSOORAYAASHA EE LOO YAQAANO 'VAR'

Maanta oo ey taariikhdu tahay 7 da january 2018, oo maalin isniin ah ayaa markii ugu horeesey la isticmaali doonaa teknoolajiyada ama qalab kaa saacada garsoorayaasha kubada cagta ee loo yaqaano 'var' oo ah video assistant referee. Qalabkaan ayaa aad uga saacidi doona in ey garsoorayaasha ey gaaraan go aan sax ah hadey eysan hubin waxa ka dhacey ama qaladaadka dhaca marka ey ciyaarta socto. Tani waxey ufududeeneesa in garsooraha gadaal ugu laabto qaladkii dhacey oo uu indhihiisa ku daawdo oo uu go'aan sax ah markaa gaaro.

Maanta waxaa wada ciyaaraya kooxaha kala crystal palace iyo Brighton oo eey ku wada dagaalami doonaan koob ka loo yaqaano FA CUP ka. Ciyaartaan ayaa loo adeegsan doonaa teknoolajiyada saacida garsooraha, waana markii ugu horeesey oo ciyaar caalama aha ee ka dhacda England loo adeegsada.


Comments